#Somaliland Dal Yar oon Wali la aqoonsan oo hadana ku guulaystay inuu Halgan adag la galo tuugta ka Ganacsada DuurJoogta! Cheetah(Haramcad) 🐆 wuxuu kamid yahay DuurJoogta Halista Ugu Jirta inay Dunida ka Dabar Go'aan! Qarnigii Hore waxa Tiradoodu ahayd 100,000 halka Maanta lagu qiyaaso inay soo hadhay wax ka yar 7,100 (Todoba Kun iyo Boqol) Xabo. December 2019 ilaa maanta (3600) oo Cheetah 🐆 ayaa si Sharci daro ah loo tahriibiyey looguna kala iibsaday Suuqyadda Madow ee Dunida! Somaliland bil walba Waxay Fashilisaa ooy qabata Haramcad Dhal'ah oo lagala soo baxsaday Hooyadood Loona tahriibinayo Dalalka Khaleejka. Marar badana waxa dhacdey in Maxkamad furan oo Media ha dunida iyo ta Dalkaba laga Qayb galiyey in xukumo adag lagu riday dadkii Falkaa foosha xun faraha kula jirey tasoo Somaliland Sumcad badan iyo Bogaadinba kaga Heshay Beesha Calaamka. Wakaalada Wararka ee #AFP ayaa Boggeda hore kusoo Bandhigtey Sawiradan Muujinaya Halganka adag ee Somaliland Ugu Jirto Badbaadinta Xayawaanka (Cheetah🐆) ee Faraha Baas lagu Hayo. please,subscribe,Like,Share and comment